Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaMarkabka Qodista Shidaalka ee Çağrı Bey oo Soo Gaaray Xeebaha Soomaaliya

Markabka Qodista Shidaalka ee Çağrı Bey oo Soo Gaaray Xeebaha Soomaaliya

MUQDISHO – Soomaaliya ayaa si rasmi ah u gashay marxalad cusub oo dhanka tamarta ah, kaddib markii markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu gaaray biyaha dalka, gaar ahaan goobta ceelka lagu magacaabo Curad-1.

War kasoo baxay hay’adda Transparency Somalia Initiative (TSI) ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay isbeddel muhiim ah oo dalka u horseedi kara inuu si toos ah uga qeyb qaato soo saarista shidaalka, taasoo la filayo inay door weyn ka ciyaarto kobaca dhaqaalaha.

Dhanka kale, dowladda Turkiga ayaa la filayaa inay dardargeliso hawlaha qodista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha Soomaaliya, iyadoo qorshuhu yahay in qodista rasmiga ah ay bilaabato inta u dhexeysa bilaha Abriil iyo Maay 2026. Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah heshiis ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen sanadkii 2024, waxaana fulinaya shirkadda Turkish Petroleum.

Markabka Çağrı Bey ayaa ka shaqeyn doona wajiga xiga ee ceelasha shidaalka, iyadoo xogta hore ay sahmiyeen maraakiib cilmi-baaris oo hore uga howlgalay xeebaha dalka. Sidoo kale, ciidanka badda Turkiga ayaa sugaya amniga howlgalka inta uu socdo.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda TSI ayaa ka digtay khataraha ka dhalan kara kheyraadka dabiiciga ah haddii aan si hufan loo maamulin, iyadoo xustay in faa’iidada shidaalka ay ku koobnaan karto dad gaar ah haddii aysan jirin nidaam cad oo maamul iyo isla xisaabtan leh.

Hay’addu waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay si buuxda u shaaciso heshiisyada shidaalka, caddeyso cidda leh shirkadaha ka qeyb qaadanaya howlaha, isla markaana la sameeyo nidaam furan oo lagu maareeyo dakhliga ka soo baxa kheyraadka.

Ugu dambeyn, TSI ayaa carrabka ku adkaysay in maareynta saxda ah ee dakhliga shidaalka ay muhiim u tahay ilaalinta danaha shacabka iyo jiilasha mustaqbalka ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular