Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan ku dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Abaar Cano-weyn oo u dhexeeya Yasooman iyo degmada Moqokori, halkaas oo ciidamada ay ku qaadeen weerar dhabagal ah maleeshiyaad watay gaari nooca Cabdi-bile ah.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in weerarka lagu dilay dhammaan xubnihii saarnaa gaariga, isla markaana la gubay gaarigii ay wateen. Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka, Kornayl Cali Cagey, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay guusha howlgalka.
Ciidamada fuliyay howlgalka ayaa si nabad ah ugu soo laabtay goobihii ay ka dhaqaaqeen, iyagoo sidoo kale la wareegay hubkii ay wateen maleeshiyaadka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku wiiqeyso awoodda Al-Shabaab, iyadoo howlgallo la mid ah ay ka socdaan deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.

