Saturday, April 25, 2026
spot_img
GurigaWararkaAgaasimaha Guud ee Hay’adda NISA oo kulammo la qaatay madaxda CIA iyo...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda NISA oo kulammo la qaatay madaxda CIA iyo FBI

Washington – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington madaxda hay’adaha sirdoonka Mareykanka ee CIA iyo FBI.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sirdoonka, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Intii uu ku sugnaa Mareykanka, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale booqday xarunta Ciidamada Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Fort Bragg oo ku taalla gobolka North Carolina. Halkaas ayuu kulan kula yeeshay Korneyl Benander, oo ah taliye ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, isla markaana hore uga soo shaqeeyay Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadaasi lagu soo bandhigay dadaallada dowladda Soomaaliya ee la xiriira sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac.

Agaasimaha NISA ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada ciidamada, iyo la dagaallanka argagixisada.

Iskaashigan ayaa la sheegay inuu horseeday guulo la taaban karo, oo ay ka mid yihiin howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta, kuwaas oo si weyn u wiiqay awooddooda.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular