Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaSoomaaliya oo markii ugu horreysay calankeeda ku diiwaangelisay markabka “Guney"

Soomaaliya oo markii ugu horreysay calankeeda ku diiwaangelisay markabka “Guney”

Muqdisho, Abriil 2, 2026 — Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiwaangelisay markabkii ugu horreeyay ee qaata calanka Soomaaliya tan iyo burburkii dalka, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Markabka la diiwaangeliyay oo lagu magacaabo “Guney”, kana wata sumadda IMO No. 8230417, ayaa hadda si rasmi ah u hoos tagaya calanka Soomaaliya, kadib markii la dhammaystiray dhammaan shuruucda iyo nidaamyada caalamiga ah ee looga baahan yahay diiwaangelinta maraakiibta.

Wasaaradda ayaa sheegtay in guushan ay ka dhalatay dadaallo lagu hirgeliyay sharciyada iyo habraacyada muhiimka u ah maamulka maraakiibta, taas oo suuragelisay in Soomaaliya dib ugu soo laabato nidaamka caalamiga ah ee diiwaangelinta iyo calansiinta maraakiibta.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xusay in tallaabadan ay astaan u tahay horumar muuqda oo laga gaaray dib-u-dhiska hay’adaha badda iyo soo celinta kalsoonida caalamiga ah.

“Maanta waa maalin muhiim ah oo muujinaysa in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay kaalinteedii caalamiga ahayd ee dhinaca maraakiibta,” ayuu yiri wasiirku.

Diiwaangelinta markabka Guney ayaa timid kadib heshiis is-afgarad ah oo ay Wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Somali Ship Register Limited, si loo dhiso nidaam rasmi ah oo diiwaangelinta maraakiibta.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan ay albaabada u fureyso fursado cusub oo dhaqaale, iyadoo lagu dhiirrigelinayo ganacsatada iyo milkiilayaasha maraakiibta inay ka faa’iideystaan diiwaangelinta calanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, dowladda ayaa tilmaamtay in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kheyraadka badda iyo in Soomaaliya ay noqoto dal la tartama kuwa hormuudka ka ah adeegyada maraakiibta caalamka.

war saxaafadeedka wasaaradda:

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular