Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa wareegto uu soo saaray xilalka uga qaaday laba wasiiru-dowle oo ka tirsanaa xukuumaddiisa.
Masuuliyiinta xilka laga qaaday ayaa kala ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Ismaaciil Shire Jaamac, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Asad Cabdirisaaq Maxamed.
Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, go’aankan ayaa lagu saleeyay qodobada 120-aad iyo 117-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada. Waxaa sidoo kale la xusay in tallaabadan lagu tixgeliyay baahida loo qabo in la xoojiyo hannaanka shaqo ee wasaaradaha ay khuseyso.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta xilalka laga qaaday muddadii ay u soo shaqeeyeen qaranka, isaga oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in masuuliyiintan qaarkood ay horey u muujiyeen is-casilaad, inkasta oo go’aanka rasmiga ah ee xil ka qaadista uu hadda soo baxay.

