Thursday, April 23, 2026
spot_img
GurigaWararkaHoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo lagu soo dhaweeyay Beydhabo

BAYDHABO – Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati-guduud, halkaas oo ay ku qaabileen wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, xildhibaano, siyaasiyiin deegaanka ah, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka hoggaamiyaha cusub ayaa la xiriira dardargelinta qorshaha dhismaha nidaam maamul oo ku saleysan rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, sida ay horay u ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jibriil Cabdirashiid ayaa warbaahinta u sheegay in mudnaantiisa koowaad ay tahay xasilinta amniga, gaar ahaan magaalada Baydhabo, isagoo xusay inuu la shaqeyn doono dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dib u heshiisiin dhab ah laga hirgelin doono deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana aan la beegsan doonin cid gaar ah.

Dhanka kale, wafdi kale oo ka kooban saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa sidoo kale gaaray Baydhabo, kuwaas oo hordhac u ah safar la filayo inuu magaalada ku tago Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiishan ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ee dhawaan la wareegay amniga magaalada.

Imaatinka mas’uuliyiintan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda federaalka ay isbeddel ku sameysay hoggaanka Koonfur Galbeed, iyadoo xilka laga qaaday madaxweynihii hore Cabdicasiis Laftagareen, lana magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo loo igmaday hoggaaminta ku-meelgaarka ah iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka.

RELATED ARTICLES

A REPLY TAGO

Fadlan qor faalladaada!
Fadlan halkan ku qor magacaaga

Most Popular